Tag Tusmada boga
Emergency aid during drought in Borana, Ethiopia

Shaqada aanu qabano

Welthungerhilfe waxay ka-shaqaysaa wanaajint sugnaanshaha cuntada iyo nafaqada ee Geeska Afrika, taas oo ku-sugan halis ka-soo-gaadha abaaraha iyo jawiga cimilada xad dhaafka ah ee sii-kordhaya ee ka-imanaya isbaddalka cimilada iyo khataraha dad-sameega ah.

Gudaha dalka Itoobiya, Welthungerhilfe waxay  ka fulinaysa mashaariic isku-dhafan oo ay ku-xoojinayso xaqiijinta sugnaanshaha cuntada iyo nafaqada oo waarta oo ay heer qoys ka-hirgeliso, iyada oo isku-xidhaysa qaybaha kala-duwan ee sida beeraha, deegaanka, horumarinta dhaqan dhaqaale, biyaha, nadaafada, fayo-dhawrka, barashada nafaqada iyo kor-u-qaadidda bulshada rayidka ah iyo in laga-dhigo kuwa wax-ka-qabanaya arrimaha nafaqada iyo jinsiga. Waxaa kale oo aynu isku-xidhnaansho ka-dhex abuurnaa dadaalada dhimidda masiibooyinka, caawimaadda aadminimo, dhismaha awoodda u adkaysig, iyo horumarinta.

Anago kaashanayna Haay’adaha wada shaqeynta leenahay, waxaanu qabanaa shaqo ku-salaysan mudnaanta bulshada ee ay dadku iskood u gartaan, waxanu isku-xidhnaa aqoonta iyo waayo aragnimada dadka deegaanka iyo adeegsiga xirfadaha casriga ah. Arrintani waxay anaga noo-ogolaataa in aynu door ku-yeelano siyaasadaha qaran iyo kuwa caalamiga ah iyo heerarka khuseeya bulshada aynu u adeegno.

Gudaha Somaliland, Welthungerhilfe waxay wax-ka-qabataa caqabadaha xalka degdegga ah u baahan anaga oo bixinaynaa gargaarka gurmadka laakiin waxaa kale oo aynu ka-shaqaynaa isbaddalada waqtiga dheer anaga oo xallinayna sababaha salka u ah saboolnimada iyo gaajada. Waxaa dadaalkaasi ka mid ah maaraynta khayraadka dabiiciga ah, waxbarashada aasaasiga ah, dakhli soo saarista iyo isku-xidhidda sayladda, beeraha, iyo wanaajinta kartida u adkaysiga iyo u diyaar garowga masiibooyinka ee ay bulshooyinku samaynayaan.

Meelaha aynu diiradda saarno ee la-xidhiidha Sugnaanshaha cuntada iyo nafaqada

Anaga oo waafajinayna yoolkayaga heer adduun ee ah “in meelaha aynu ka-shaqayno ku-guulaysano dabar-goynta gaajada”,waxaanu door ku-yeelanaa mashaariicda guud ee ka-qayb-gelinta leh ee horumarinta  ee heer bulsho si loogu-guulaysto sugnaanshaha cunto iyo nafaqo oo waarta oo heer qoys laga-hirgelinayo. Waxaanu arrintan ugu-yeedhnaa “All for some approach”.