Tag Tusmada boga

Anagu yaanu nahay

Welthungerhilfe waxay ka mid tahay hay’adaha ugu-waa-weyn ee dalka Jarmalka ka-jira ee aan macaashka loo-aasaasin oo aan siyaasad iyo diinba ku-xidhnayn. Waxaa la-aasaasay sanadkii 1962 ee tirsi-taariikheedka Yurub iyada oo hoos tagaysa daladda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Ururka Qaramada Midoobay. Tan iyo xilligiii hay’addan la-aasaasay, 70 waddan oo Jarmalka ka-baxsan ayaanu ka-hirgelinay in ka-badan 9,331 mashaariic oo ay ku-baxday lacag dhan 3.71 bilyan lacagta midawga yurub. Mabda’a aasaasiga ee Welthungerhilfe wuxuu yahay caawinta si la-isku-caawiyo; anaga oo si wada-jir ah ula-shaqaynayna hay’adaha wada shaqeynta la leenahay ee dalka gudihiisa ka-jira ayaanu xoojinaa qaab-dhismeedyada anaga oo hoos ka soo bilaabayna iyo anaga oo dadaal u galayna hirgelinta waqtiga dheer ee shaqadayada mashruuceed.