Tag Tusmada boga

Welthungerhilfe iyo Geeska Afrika

© Welthungerhilfe Ethiopia
© Welthungerhilfe Ethiopia

Welthungerhilfe (German Agro-Action magaca kale ee loo diiwaan geliyey) waxay gudaha Itoobiya ka soo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 1972 ee tirsi-taariikheedka Yurub, Somalilandna waxay ka soo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 2001 ee tirsi-taariikheedka Yurub. Ilaa wakhtigan la-joogo anaga oo iskaashi la-yeelanayna dawladaha, hay’adaha bulshada rayidka ee qaranka iyo caalamiga iyo bulshada aanu bar-tilmaameedsanayno waxaanu hirgelinay 252 mashaariic. Xafiiska Welthungerhilfe ee Gobolka Geeska Afrika wuxuu ka-furanyahay magaalada Addis Ababa, waxaana ka-shaqeeya 41 shaqaale. Waxaa kale oo gudaha dalka Itoobiya ka furan 5 xafiis oo goobaha shaqada ka-jira oo ku kala-yaalla Jimma, Yaabelow, Tuluboolo, Dhabramaarqoos iyo Deegaanka Canfarta. Xafiiska Somaliland wuxuu ka-furanyahay magaalada Hargaysa, waxaa kale oo oo goobta shaqada ka-furan oo ku-yaalla Boorama kana hawl-galaan 53 shaqaale. 

Cidhib-tirka gaajada ee Geeska Afrika

Hawlgelka Welthungerhilfe ee Geeska Afrika wuxuu door ku-leeyahay cidhib-tir gaajada iyo kor u qaadidd xirfadaha beeraha iyo maaraynta khayraadka dabiiciga. Waxaanu ka-shaqaynaa kobcinta wax-soo-saarka iyo kartida wax-soo-saarka si aynu u kordhino noocyada iyo cadadka cuntada ay helayaan bulshada aynu bar-tilmaameedsanayno. Waxaa kale oo aynu diiradda saarnaa wadaagidda iyo isku-gudbinta cilmiga ku-saabsan nafaqada carruurta iyo hooyooyinka. Habkayaga isku-dhafan oo ay ka mid tahay fududaynta helitaanka biyo nadiif ah, faya-dhawrka iyo nadaafadda bulshada ku-nool Itoobiya iyo Somaliland. 

Emergency aid during drought in Borana, Ethiopia

wax ka ogow mashaariicdayada

Ujeedada kale waxay tahay kordhinta fursadaha kala-duwan ee soo-saaridda dakhliga ee ay ka-faa’iidaysanayaan bulshada aynu u adeegno. Sidaas-awgeed, hawlgelka Welthungerhilfe ee gobolka Geeska Afrika wuxuu ka-qayb-qaataa barnaamijka ganacsiga bulsho iyo horumarinta dhaqaalaha si dadka aynu u adeegno ugu-sameeyo fursado shaqooyin oo wanaagsan oo waara. 

Hawlahan horumarka ee ku-naqshadaysan caawimaadda aadanimo waxaa loogu tala-galay ka-jawaabidda dhibaatooyin si loo sii xoojiyo awoodda u adkaysiga dadka waxyeelloobay iyo bulshada guud ahaanba. 

Hawlaha horumarka ee muddada dheer soconaya ka-sokow, halwgelka Welthungerhilfe ee ka-jira gobolka Geeska Afrika wuxuu gargaar aadanimo u fidiyaa dadka dhibaatooyinka la-rafaadsan iyo weliba xoojinta awoodda u adkaysiga ee bulshada ay waxyeellooyinku soo-gaadheen.